• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee Koonfur Galbeed iyo magacyada

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee Koonfur Galbeed iyo magacyada
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa xalay si rasmi ah u magacaabay Golaha Wasiirrada cusub ee maamulkiisa, kadib wareegto uu soo saaray.

Golaha cusub ayaa ka kooban 26 wasiir, 3 wasiiru-dowle iyo 22 wasiir ku-xigeen, sida ku cad liiska ay madaxtooyadu soo bandhigtay. Xubnaha la magacaabay waxaa ku jira xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed, halka qaar kalena laga soo xulay bulshada inteeda kale.

Mas’uuliyiinta cusub ayaa isugu jira dhalinyaro iyo shaqsiyaad hore uga soo shaqeeyay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo inay door ka qaataan dardargelinta howlaha maamulka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha cusub kula dardaarmay inay si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay ka sugayaan adeegyo iyo isbeddel muuqda.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dhammaystirka dhismaha hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, kadib isbeddelladii siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba, kuwaas oo horseeday isbeddel ku yimid hoggaanka maamulka.

Maalmihii la soo dhaafay, hoggaamiyaha cusub ayaa sidoo kale magacaabay saraakiisha laamaha amniga, isagoo sheegay in mudnaanta la siin doono adkeynta amniga, dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda billowdo hirgelinta qorshayaasha cusub ee golaha wasiirrada si loo dardargeliyo howlaha maamulka iyo adeegyada shacabka.

Hoos ka akhriso liiska Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.