• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ammaanka Baydhaba oo la adkeeyay kahor caleemo-saarka Aadan Madoobe

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Ammaanka Baydhaba oo la adkeeyay kahor caleemo-saarka Aadan Madoobe
Share

Wararka24: Ammaanka magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo lagu wado inay martigeliso munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay gudaha magaalada iyo daafaheeda, waxaana la kordhiyay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga si loo sugo habsami u socodka munaasabadda. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo amni oo ballaaran laga dareemayo Baydhaba iyo deegaannada ku dhow.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarado dagaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ay ka qeyb qaadanayaan hawlaha amniga, iyadoo si joogto ah loola socdo xaaladda magaalada iyo hareeraheeda.

Tallaabooyinkan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada looga hortagayo isku day kasta oo lagu carqaladeyn karo munaasabadda caleemo-saarka. Gobolka Baay ayaa kamid ah goobaha ay weli ka jiraan khataraha amni ee ka dhasha weerarrada Al-Shabaab iyo xiisadaha siyaasadeed ee gudaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Baydhaba si uu uga qeyb galo munaasabadda, waxaana horay halkaasi u gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda dowladda federaalka.

Mas’uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah ayaa sidoo kale ku sugan Baydhaba, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan xafladda caleemo-saarka. Magaalada ayaa maalmahan martigelineysay wufuud kala duwan oo u socda ka qeybgalka munaasabadda.

Waxaa kamid ah mas’uuliyiinta Baydhaba gaaray qaar ka tirsan madaxda dowlad-goboleedyada, xubno ka socda baarlamaanka federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo kulamo la yeeshay madaxda cusub ee Koonfur Galbeed.

Xafladda caleemo-saarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn loo soo agaasimay, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay in la qaaday dhammaan tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo soo dhaweynta martida ka qeybgaleysa munaasabadda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.