Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidanka Xoogga oo bilaabay diyaar garow xoogan kadib amarkii Xasan Sheekh

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay diyaar garow cusub oo la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay guluf dagaal oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 6, 2026, 1:06 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ciidanka Xoogga oo bilaabay diyaar garow xoogan kadib amarkii Xasan Sheekh
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bilaabay diyaar garow cusub oo la xiriira howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay guluf dagaal oo lagu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii lagu guda jiray munaasabadihii toddobaadka xorriyadda sheegay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso howlgal ballaaran oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro khatarta ay Al-Shabaab ku hayso amniga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah, kaas oo dalka looga saarayo Khawaarijta, dadka Soomaaliyeedna dhawaan ayaan la wadaagi doonnaa qorshahaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kadib hadalka madaxweynaha, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay furimaha hore ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta ayaa halkaasi kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada, iyagoo warbixin ka dhageystay saraakiisha ku sugan jiidaha hore ee dagaalka. Waxay sidoo kale ciidamada ku dhiirrigeliyeen inay u diyaar garoobaan wejiga cusub ee howlgallada qorshaysan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dhammaan qeybaha ciidamada looga baahan yahay inay sare u qaadaan heerkooda diyaar garow, maadaama howlgalada la qorsheynayo ay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Dhankiisa, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay dhistay ciidan leh awood iyo qalab ku filan oo ka howlgeli kara guud ahaan dalka. Wuxuu xusay in dowladda ay sii wadeyso dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo dib u soo celinta deegaannada ay weli ka jiraan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Kormeerkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay ku dhawaaqday qorsheyaal cusub oo lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo la filayo in toddobaadyada soo socda la soo bandhigo faahfaahinta howlgalada cusub ee la qorsheeyay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

50 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 hour ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.