Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Al-Shabaab oo lagu arkay deegaanno ka tirsan duleedka Muqdisho

Wararka ka imanaya deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Macaane ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay habeenadii u dambeeyay iyaga oo ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay dadka deegaanka walaac ka muujiyeen.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 3, 2026, 12:30 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Al-Shabaab oo lagu arkay deegaanno ka tirsan duleedka Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wararka ka imanaya deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Macaane ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay habeenadii u dambeeyay iyaga oo ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay dadka deegaanka walaac ka muujiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubnaha kooxda lagu arkay xaafado ku yaalla Ceelasha Biyaha iyo Macaane, halkaas oo ay la kulmaan shacabka isla markaana ay weydiiyaan xog ku saabsan dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo xiriirrada lala yeesho ciidamada dowladda.

Ceelasha Biyaha, gaar ahaan xaafadda Al-Nasri , waxaa ku sugan saldhigyo ay leeyihiin ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga iyo Booliska Milateriga, kuwaas oo mas’uul ka ah sugidda amniga guud iyo ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in marka ay habeenkii madoobaato ay xaafadaha qaar soo galaan rag hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, xilli ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin saldhigyadooda.

Wararka deegaanka ayaa sidoo kale tilmaamaya in gaadiid nooca Toyota Noah ah oo ay saaran yihiin rag hubeysan lagu arkay xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha iyo Macaane, gaar ahaan aagagga Qoor Suul iyo Macaane.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mararka qaarkood aysan helin jawaab degdeg ah marka ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan, taas oo keentay in qaar ka mid ah shacabka ay ka gaabsadaan gudbinta xogaha amniga.

Dhanka kale, shacabka ku nool deegaannadan ayaa sheegay inay sidoo kale la kulmaan falal amni darro oo ay geystaan kooxo burcad ah iyo kuwa loo yaqaan Ciyaal Weero, kuwaas oo dhibaatooyin u geysta dadka habeenkii ku safra gudaha xaafadaha.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka dowladda oo ku saabsan cabashooyinka dadka deegaanka iyo dhaqdhaqaaqyada lagu sheegay in Al-Shabaab ay ka waddo Ceelasha Biyaha iyo Macaane.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

3 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

3 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

3 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

3 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.