• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Al-Shabaab oo lagu arkay deegaanno ka tirsan duleedka Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Al-Shabaab oo lagu arkay deegaanno ka tirsan duleedka Muqdisho
Share

Wararka24: Wararka ka imanaya deegaannada Ceelasha Biyaha iyo Macaane ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu arkay habeenadii u dambeeyay iyaga oo ka sameynaya dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ay dadka deegaanka walaac ka muujiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubnaha kooxda lagu arkay xaafado ku yaalla Ceelasha Biyaha iyo Macaane, halkaas oo ay la kulmaan shacabka isla markaana ay weydiiyaan xog ku saabsan dhaqdhaqaaqa deegaanka iyo xiriirrada lala yeesho ciidamada dowladda.

Ceelasha Biyaha, gaar ahaan xaafadda Al-Nasri , waxaa ku sugan saldhigyo ay leeyihiin ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga iyo Booliska Milateriga, kuwaas oo mas’uul ka ah sugidda amniga guud iyo ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee gala magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in marka ay habeenkii madoobaato ay xaafadaha qaar soo galaan rag hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, xilli ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin saldhigyadooda.

Wararka deegaanka ayaa sidoo kale tilmaamaya in gaadiid nooca Toyota Noah ah oo ay saaran yihiin rag hubeysan lagu arkay xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha iyo Macaane, gaar ahaan aagagga Qoor Suul iyo Macaane.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mararka qaarkood aysan helin jawaab degdeg ah marka ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan, taas oo keentay in qaar ka mid ah shacabka ay ka gaabsadaan gudbinta xogaha amniga.

Dhanka kale, shacabka ku nool deegaannadan ayaa sheegay inay sidoo kale la kulmaan falal amni darro oo ay geystaan kooxo burcad ah iyo kuwa loo yaqaan Ciyaal Weero, kuwaas oo dhibaatooyin u geysta dadka habeenkii ku safra gudaha xaafadaha.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka dowladda oo ku saabsan cabashooyinka dadka deegaanka iyo dhaqdhaqaaqyada lagu sheegay in Al-Shabaab ay ka waddo Ceelasha Biyaha iyo Macaane.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.