Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday in Xasan Sheekh xilka wareejiyo

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka wareejiyo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka isla markaana uu dhaawacay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 4, 2026, 5:12 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday in Xasan Sheekh xilka wareejiyo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka wareejiyo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka isla markaana uu dhaawacay nidaamka federaalka ee dalka.

War-murtiyeed ay soo saareen xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo qaar kamid ah hay’adaha dowladda uu dhammaaday, ayna lagama maarmaan tahay in la raaco qodobada dastuurka iyo habraacyada sharci ee la xiriira kala-guurka siyaasadeed.

Xildhibaannadu waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay qaaday tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo wiiqaya nidaamka federaalka, isla markaana ay faragelin ku hayso arrimaha Puntland. Waxay sheegeen in xaaladdaasi ay sii kordhisay khilaafaadka siyaasadeed iyo xiisadaha ka taagan dalka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay waxa ay xildhibaannadu ku tilmaameen adeegsiga maleeshiyaad beeleed lagu magacaabay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in arrintaasi ay saameyn ku yeelan karto kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.

Xildhibaannada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka, nabadda iyo wadajirka dalka, ayna ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara qalalaase siyaasadeed ama amni.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira kala-guurka siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin war-murtiyeedka ay soo saareen xildhibaannadan. Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo ay isa soo tarayaan hadallada siyaasadeed ee ay is dhaafsanayaan labada dhinac.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

3 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

3 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

3 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

3 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.