• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday in Xasan Sheekh xilka wareejiyo

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaanno ka soo jeeda Puntland oo dalbaday in Xasan Sheekh xilka wareejiyo
Share

Wararka24: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doorto Puntland ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu xilka wareejiyo, iyagoo ku eedeeyay inuu ku tuntay dastuurka isla markaana uu dhaawacay nidaamka federaalka ee dalka.

War-murtiyeed ay soo saareen xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha iyo qaar kamid ah hay’adaha dowladda uu dhammaaday, ayna lagama maarmaan tahay in la raaco qodobada dastuurka iyo habraacyada sharci ee la xiriira kala-guurka siyaasadeed.

Xildhibaannadu waxay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay qaaday tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo wiiqaya nidaamka federaalka, isla markaana ay faragelin ku hayso arrimaha Puntland. Waxay sheegeen in xaaladdaasi ay sii kordhisay khilaafaadka siyaasadeed iyo xiisadaha ka taagan dalka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay waxa ay xildhibaannadu ku tilmaameen adeegsiga maleeshiyaad beeleed lagu magacaabay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in arrintaasi ay saameyn ku yeelan karto kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga.

Xildhibaannada ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka, nabadda iyo wadajirka dalka, ayna ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara qalalaase siyaasadeed ama amni.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha la xiriira kala-guurka siyaasadeed iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Puntland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin war-murtiyeedka ay soo saareen xildhibaannadan. Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Puntland ayaa muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo ay isa soo tarayaan hadallada siyaasadeed ee ay is dhaafsanayaan labada dhinac.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.