• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda oo sii xoojisay howlgalka hub ururinta gudaha caasimada

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda oo sii xoojisay howlgalka hub ururinta gudaha caasimada
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii waddo howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in ujeedada ugu weyn ay tahay xakameynta hubka sharci darrada ah iyo adkeynta amniga caasimadda. Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay jireen xiisado siyaasadeed iyo iska hor imaadyo dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in howlgalka weli socdo, isla markaana ciidamada amniga ay diiradda saarayaan uruurinta hubka aan sharciga waafaqsanayn. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada.

Macallin Mahdi ayaa sidoo kale ku boorriyay muwaadiniinta inay la wadaagaan laamaha amniga xog kasta oo la xiriirta hub sharci darro ah. Sida uu sheegay, wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ayaa muhiim u ah guusha howlgalka iyo sugidda xasilloonida Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in howlgalka lagu ballaariyay degmooyin iyo deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedkiisa. Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa sidoo kale laga dareemay deegaanno ku dhow Jaziira, halkaas oo ciidamada amniga ay ka wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Cabdicasiis iyo meelo kale oo ka tirsan Muqdisho. Howlgalladaas ayaa lagu sheegay kuwo lagu baadi goobayay hub iyo kooxo la tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin abaabul ciidan oo aan fasax haysan.

Dhanka kale, xaaladda guud ee Muqdisho ayaa la sheegay inay tahay mid deggan, iyadoo ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulamo iyo wada-hadallo ay socdaan, kuwaas oo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah, si xal looga gaaro khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.