Wararka24: Shirweynaha Qaran ee Codka Haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo ka qaybgalayaashu ay ugu baaqeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu furo wada hadal qaran oo loo dhan yahay si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.
War-saxaafadeed laga soo saaray shirweynaha ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan wada-tashi iyo is-afgarad dhexmara dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Haweenka ka qaybgalay kulanka ayaa xusay in bulshada rayidka ah, gaar ahaan haweenka, ay door muuqata ku yeeshaan dadaallada lagu xallinayo murannada siyaasadeed.
Shirku wuxuu si gaar ah walaac uga muujiyay iska hor imaadyadii iyo xiisadihii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyay ciidamada dowladda iyo kooxaha mucaaradka. Sida lagu sheegay bayaanka, dhacdooyinkaasi waxay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.
Ka qaybgalayaashu waxay adkeeyeen in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadahadal, dulqaad iyo tanaasul siyaasadeed. Waxay sheegeen in iska hor imaadyada iyo adeegsiga awoodda aysan beddeli karin muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu miiska wada hadalka isugu yimaadaan.
Shirweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka iyo mucaaradka inay ka fogaadaan tallaabooyinka ama hadallada sii hurin kara xiisadaha siyaasadeed. Waxaa lagu boorriyay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka doorashooyinka, haweenku waxay ku baaqeen hannaan doorasho oo hufan, caddaalad ah isla markaana lagu kalsoonaan karo natiijadiisa. Waxay sheegeen in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay uu muhiim u yahay xoojinta kalsoonida shacabka iyo xasilloonida dalka, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo mustaqbalka qaranka.
























