• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaal u dhexeya DF iyo mucaaradka oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dagaal u dhexeya DF iyo mucaaradka oo ka dhacay duleedka Muqdisho
Share

Wararka24: Warar laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu xalay ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Warsheekh, dagaalka aya u dhexeya Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamo lala xiriirinayo Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ay ka dhaqaaqeen degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, iyagoo ku sii jeeday deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadaasi ay wateen gaadiid dagaal.

Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, ciidamada Dowladda Federaalka ee ka hawlgala koonfurta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la socday dhaqdhaqaaqaasi. Waxaa la sheegay in ciidamadu xoojiyeen amniga waddooyinka mara deegaannada Ceel-Bashaqle iyo Qorilow oo hoostaga degmada Warsheekh.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horyimaadka uu ka dhacay aagga Ceel-Bashaqle kadib markii ciidamada socdaalka ahaa ay la kulmeen ciidamo ku sugnaa waddada. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.

Sidoo kale, warar kala duwan ayaa kasoo baxaya halka ay ku dambeeyeen ciidamada iyo gaadiidka lagu sheegay inay ku lug lahaayeen dhacdada. Qaar ka mid ah xogaha aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada ay gaaren deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka, halka warar kale ay tilmaamayaan in gaadiid lagu qabtay howlgalka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan dhacdada. Dowladda Federaalka ayaa dhinaceeda sii wada howlgallada lagu ururinayo hubka sharci darrada ah ee laga fulinayo qaybo kamid ah Muqdisho.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli ay weli taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka. Dadaallo lagu doonayo in wada hadal lagu xalliyo murannada jira ayaa weli socda, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay soo bandhigayaan aragtiyo kala duwan.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.