
Washington, D.C. (Wararka24) – Dowladda Mareykanka ayaa si qoto dheer uga dooday go’aanno muhiim ah oo la xiriira Soomaaliya, iyadoo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare uu yeeshay kulan gaar ah oo lagu lafa-guray xaaladda amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
Kulankan ayaa dhacay xilli ay jirto walaac sii kordhaya oo ku saabsan kaalinta Mareykanku ku lee yahay howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo loo yaqaan AUSSOM, kaasoo lagu beddelayo ATMIS.
Wararka la helay waxay muujinayaan in Mareykanku aanu wali si buuxda u taageerin nidaamka maalgelinta cusub ee la doonayo in Qaramada Midoobay ay si toos ah u daboosho.
Doodda kale ee la xiriirta Soomaaliya waxay ahayd maqnaanshaha maamulada Puntland iyo Jubaland ee shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.
Mareykanka ayaa caddeeyay in go’aannada ka soo baxa shir aan laga qaybgelin maamulada muhiimka ah aysan noqon karin kuwo dhammeystiran, taasoo keeni karta muran sharciyeed iyo mid siyaasadeed.
Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay Mareykanka ay u bandhigtay heshiisyo xasaasi ah oo la xiriira bixinta oggolaansho gaar ah oo ku saabsan isticmaalka saldhigyada milatari iyo dekedaha muhiimka ah ee dalka sida Balidoogle, Berbera iyo Boosaaso.
Tallaabadan ayaa dhalisay muran siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland, oo sheegtay in Berbera aysan hoos imaan dowladda Muqdisho.
Go’aannada uu Mareeykanku qaato ayaa la filayaa inay si weyn u saameeyaan arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo taageerada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Inkasta oo Mareykanku horey u ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, haddana kulamadan cusub ayaa noqon kara kuwa lagu go’aamiyo jihada cusub ee xiriirka labada dhinac.