Wararka24: DG Puntland ayaa shaacisay in toban kun oo qoys ay ku barakaceen dagaalka ka soconaya Gobolka Puntland, halkaas oo ciidamadeeda ay kula jiraan maleeshiyada Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal ku jira maleeshiyada Daacish dhul buuraley ah oo hoostaga Degmooyinka Iskushuban iyo Balidhidin. Barakacayaasha ayaa gaaray duleedyada Degmooyinka Balidhidin, Qandala, iyo qaybo ka mid ah Iskushuban.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Puntland, Axmed Siciid Qaloombi, ayaa sheegay in gacan ay kula dagaalamayaan argagixisada, gacanta kalena ay uga shaqeynayaan horumarka iyo gargaarka.
Wasiir Qaloombi ayaa shaaciyay in gobolka ay ka hirgeliyeen xarun ka shaqeysa gargaarka la gaarsiinayo qoysaska barakacayaasha. “Gargaarkii ugu horreyay waxaan Arbacadii gaarsiiyey dadka ku soo barakacay Balidhidin, haddana waxaan ku howlanahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda barakacayaasha Qandala,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa Daacish ku eedeeyay in ay si khasab ah dadkaasi uga soo barakaciyeen guryahooda, isla markaana ay u diideen inay deegaanadoodii ku noolaadaan. “Horumarkii bay dadka halkaasi joogay ka hor istaageen, dowladnimadii bay ka hor istaageen, noloshii bay ka hor istaageen ugu dambayn inay ku noolaadaan deegaankoodii, waxna ku helaan,” ayuu yiri Qaloombi.
Ciidanka Puntland ayaa bishii labaad ku jira dagaal ka dhan ah Daacishta Somaliya,
Waana hawlgalka ciribtirka ee Daacish lagaga sifeynayo deegaanada Puntland. Ciidamada ayaa 4-tii bishan guda galay wejiga labaad ee hawlgalkooda, oo ay isugu fidinayaan galbeedka Buuraleyda Calmiskaad.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in hawlgalku uu yahay mid dhul iyo cirba leh. Waa hawlgalkii ugu weynaa ee Puntland ku qaaddo mid ka mid ah garabyada hubeysan ee dalka ka dagaalama..
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin

















