Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbeddel ku sameysay hoggaanka Booliska gobolka Baay, iyadoo xilkii ka qaaday taliyihii hore Aamiin Mad-daruur, isla markaana u magacowday Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali Duudishe inuu noqdo taliyaha cusub.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in xil ka qaadista taliyihii hore ay timid kadib amar lagu faray inuu u safro Muqdisho oo uu diiday, taasoo keentay in laga qaado xilka.
Magacaabista Sadiiq Aadan Cali ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhaba.
Taliyaha cusub ayaa leh waayo aragnimo dheer oo ku dhow labaatan sano oo uu ka soo shaqeynayay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay jagooyin kala duwan oo muhiim ah.
Waxaa kamid ah xilalka uu soo qabtay Afhayeenka Booliska, Taliye xigeenka CID iyo Taliye xigeenka hoggaanka howlaha Booliska.
Sidoo kale, wuxuu tababaro sare ku soo qaatay dibadda intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2010, taasoo kor u qaaday aqoontiisa dhanka maamulka iyo howlaha ciidanka.
Isbeddelkan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo amni oo saameyn ku leh xaaladda gobolka Baay.


















