Wararka24: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka digay weerar kasta oo lagu qaado Baydhaba, isagoo sheegay in la wajihi doono jawaab militari oo culus.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ayuu ku sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uusan oggolaan doonin in xoog lagu soo galo magaalada Baydhaba ama deegaanada kale ee maamulka.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale farriin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay in laga fogaado dhiig daata iyo colaado hor leh.
Hadalkaasi ayaa kusoo aadaya xilli Wasiirka Dekedaha Soomaaliya uu sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka la filayo inay maanta galaan magaalada Baydhaba.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin duleedka magaalada, kadib dhaq dhaqaaqyo militari oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 18 kiiloomitir u jirta Baydhaba.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaankaas kadib dagaal ay la galeen Al Shabaab.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Cali Siciid Fiqi inay faafinayaan warar aan sax ahayn, isla markaana ay xiriir la leeyihiin kooxaha Khawaarijta.
Xiisadda ayaa weli taagan, iyadoo laga cabsi qabo in ay isku beddesho iska horimaad toos ah oo ka dhaca


















