Wararka24: Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Dhuusamareeb kaddib markii ciidamo lagu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xilli uu diyaarinayay furitaanka kalfadhiga Golaha. Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in tallaabadan ay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.
Sida ay wararku sheegayaan, Gacal ayaa qorsheynayay inuu furo kalfadhiga Golaha Wakiillada, iyadoo la filayay in kulanka looga hadlo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in qorshaha uu qeyb ka ahaa mooshin la doonayo in looga gudbiyo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, hoggaanka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira habka loo maareeyay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka maamulka.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib go’aan ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya 24-kii Agoosto ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug ee 30-kii Luulyo 2026. Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashooyinka aan loo qaban si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.
Maxkamadda Sare ayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku amartay inuu qabto doorashooyin cusub oo Galmudug ah. Dhanka kale, hay’adihii hadda jiray ayaa loo oggolaaday inay sii shaqeeyaan ilaa laga soo doorto hay’ado cusub, si looga fogaado firaaq maamul iyo carqalad ku timaadda adeegyada bulshada.
Go’aanka maxkamadda ayaa Galmudug geliyay marxalad siyaasadeed oo cusub, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwan yihiin habka loo wajahayo doorashada cusub. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo musharraxiinta ayaa sheegay inay aqbalayaan go’aanka maxkamadda, halka khilaafaadyo kale ay weli ka taagan yihiin maamulka gobolka.
Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa dhawaan Muqdisho kaga hadlay hannaanka loo maareeyay doorashadii Galmudug, isagoo muujiyay inuusan ku qanacsanayn qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaas u wajahday. Hadalladiisa ayaa kusoo beegmay xilli xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada ay ka taagan tahay kala aragti duwanaansho.
Ilaa had da si rasmi ah looma caddeyn cidda amartay in ciidamada lagu daadiyo guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ama sababta tooska ah ee tallaabadaas. Sidoo kale ma cadda tallaabada uu Golaha Wakiillada qaadi doono iyo haddii kalfadhiga la qorsheeyay uu furmi doono.







