Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamo lagu dul daadiyey guriga Maxamed Gacal  xilli uu waday qorshe xasaasi ah

Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Dhuusamareeb kaddib markii ciidamo lagu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xilli uu diyaarinayay furitaanka kalfadhiga Golaha. Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in tallaabadan ay la xiriirto khilaaf siyaasadeed…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 30, 2026, 3:43 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Ciidamo lagu dul daadiyey guriga Maxamed Gacal  xilli uu waday qorshe xasaasi ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xiisad siyaasadeed ayaa ka taagan Dhuusamareeb kaddib markii ciidamo lagu daadiyey guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, xilli uu diyaarinayay furitaanka kalfadhiga Golaha. Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in tallaabadan ay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Sida ay wararku sheegayaan, Gacal ayaa qorsheynayay inuu furo kalfadhiga Golaha Wakiillada, iyadoo la filayay in kulanka looga hadlo arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in qorshaha uu qeyb ka ahaa mooshin la doonayo in looga gudbiyo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu khilaaf siyaasadeed ka dhex jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, hoggaanka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira habka loo maareeyay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka maamulka.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kaddib go’aan ay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya 24-kii Agoosto ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug ee 30-kii Luulyo 2026. Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashooyinka aan loo qaban si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.

Maxkamadda Sare ayaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ku amartay inuu qabto doorashooyin cusub oo Galmudug ah. Dhanka kale, hay’adihii hadda jiray ayaa loo oggolaaday inay sii shaqeeyaan ilaa laga soo doorto hay’ado cusub, si looga fogaado firaaq maamul iyo carqalad ku timaadda adeegyada bulshada.

Go’aanka maxkamadda ayaa Galmudug geliyay marxalad siyaasadeed oo cusub, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay ku kala aragti duwan yihiin habka loo wajahayo doorashada cusub. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo musharraxiinta ayaa sheegay inay aqbalayaan go’aanka maxkamadda, halka khilaafaadyo kale ay weli ka taagan yihiin maamulka gobolka.

Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa dhawaan Muqdisho kaga hadlay hannaanka loo maareeyay doorashadii Galmudug, isagoo muujiyay inuusan ku qanacsanayn qaabka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaas u wajahday. Hadalladiisa ayaa kusoo beegmay xilli xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada ay ka taagan tahay kala aragti duwanaansho.

Ilaa had da si rasmi ah looma caddeyn cidda amartay in ciidamada lagu daadiyo guriga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ama sababta tooska ah ee tallaabadaas. Sidoo kale ma cadda tallaabada uu Golaha Wakiillada qaadi doono iyo haddii kalfadhiga la qorsheeyay uu furmi doono.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

4 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

2 days ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.