• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Doorashadii qof iyo cod ee ugu horreysay oo si rasmi ah uga bilaabatay Galmudug

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Doorashadii qof iyo cod ee ugu horreysay oo si rasmi ah uga bilaabatay Galmudug
Share

Wararka24: Doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ee heer deegaan ee Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay dhammaan degmooyinkii loo asteeyay inay ka dhacdo, iyadoo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu sheegay in goobaha codbixintu si buuxda u furmeen.‎‎

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikarin Axmed Xasan, ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daahfuray howlaha codbixinta, isagoo ku tilmaamay doorashadan tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.‎‎

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dhammaan 10-ka degmo ee Galmudug loo qorsheeyay doorashada ay saaka 7:00 subaxnimo si isku mid ah uga furmeen goobaha codbixinta. Wuxuu xusay in tani ay tahay markii ugu horreysay muddo ku dhow lixdan sano oo shacabka Soomaaliyeed ay fursad u helaan inay si toos ah u doortaan hoggaankooda heer deegaan.‎‎

Sida uu sheegay, magaalada Dhuusamareeb waxaa laga hirgeliyay 14 goobood oo codbixineed, kuwaas oo ay ku jiraan 10 goobood oo ku yaalla gudaha magaalada iyo afar goobood oo ku yaalla daafaha magaalada, si loogu fududeeyo shacabka inay codkooda dhiibtaan.‎‎

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale shaaciyay in guud ahaan Galmudug ay iska diiwaangeliyeen in ka badan 200,000 oo codbixiye, iyadoo inta badan dadkaasi ay hore u qaateen kaararkooda codbixinta, kuwaas oo loo adeegsanayo habsami u socodka geeddi-socodka doorashada.

‎‎Cabdikarin Axmed Xasan ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Galmudug inay si nabad ah uga qeyb qaataan codbixinta, isagoo xusay in qof kasta oo isdiiwaangeliyay uu codkiisa ku dhiiban karo kaarka codbixinta ama kaarka aqoonsiga ee la aqoonsan yahay.‎‎

Doorashadan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu hormarinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka ee maamulka heer deegaan, iyadoo la filayo in natiijooyinkeeda ay saameyn ku yeeshaan hannaanka doorashooyinka dalka ee mustaqbalka.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.