• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Villa Somalia oo dooratay musharraxeeda Galmudug, Waa kuma?

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Villa Somalia oo dooratay musharraxeeda Galmudug, Waa kuma?
Share

Wararka24: Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay taageeradeeda u weecisay siyaasiga Liibaan Axmed Xasan, kaas oo la sheegay inuu noqon doono musharraxa ay ku taageereyso doorashada madaxtinnimada Galmudug ee la filayo inay dhacdo bisha July.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in la qorsheynayo munaasabad lagu shaacinayo taageerada siyaasigan, taas oo lagu qaban doono xarunta xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in loollan xooggan uu ka taagan yahay cidda loo xulan doono musharraxa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, iyadoo siyaasiyiin kala duwan ay wadaan dadaallo ay ku raadinayaan taageerada xisbiga talada haya.

Sida la sheegay, kulamo iyo wada-hadallo hoose ayaa socda si loo yareeyo khilaafaadka iyo tartanka ka dhex jira xubnaha doonaya xilalka sare ee maamulka Galmudug.

Dhanka kale, magaalada Dhusamareb ayaan weli laga dareemin olole siyaasadeed oo si weyn u muuqda, waxaana aan si rasmi ah loo ogeyn mowqifka uu qaadan doono Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), marka ay soo dhowaato doorashada maamulkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo loollanka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka Galmudug, iyadoo dhinacyada kala duwan ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo lagu xoojinayo saameyntooda siyaasadeed.

Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale sheegaya inuu jiro ismaandhaaf u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Qoor-Qoor, kaas oo la xiriira doorashooyinka soo socda iyo mustaqbalka hoggaanka Galmudug.

Qoor-Qoor ayaa lagu warramayaa inuu doonayo inuu mar kale isku soo taago xilka madaxtinnimada Galmudug, halka wararku sheegayaan in Dowladda Federaalka ay taageereyso musharrax kale. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Villa Somalia ama maamulka Galmudug oo si cad u xaqiijinaya wararkan.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.