• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cali Ciid oo soo dhaweeyay doorasho qof iyo cod ah kana baxay garabka Qoor-Qoor

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cali Ciid oo soo dhaweeyay doorasho qof iyo cod ah kana baxay garabka Qoor-Qoor
Share

Wararka24: Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa taageeray geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ee ka socda Koonfur Galbeed iyo diiwaangelinta kasocota Galmudug, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Cali Ciid ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu soo dhoweynayo bilaabista diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qeybinta kaararka codbixinta ee Galmudug. Wuxuu tilmaamay in tallaabooyinkaasi ay muhiim u yihiin hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee qof iyo cod.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in horumarrada laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyadda ay muujinayaan rabitaanka shacabka iyo dadaalka lagu xoojinayo dowladnimada. Waxa uu xusay in nidaamka qof iyo cod uu muwaadiniinta siinayo fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda.

Hadalka Cali Ciid ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) . Xiisaddaasi ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Dhusamareb.

Villa Somalia ayaa la sheegay inay walaac ka qabto in Madaxweyne Qoor-Qoor uu carqaladeeyo doorashooyinka golaha deegaanka iyo baarlamaanka Galmudug ee la qorsheeyay inay dhacaan bilaha June iyo July. Doorashada hoggaanka Galmudug ayaa sidoo kale lagu wadaa inay qabsoonto 9-ka July.

Qoor-Qoor ayaa doonaya inuu mar kale ku soo laabto xilka madaxtinimada Galmudug, halka Dowladda Federaalka ay taageereyso musharrax kale. Khilaafka labada dhinac ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in xaaladda siyaasadeed ay isu beddesho gacan ka hadal.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Federaalka ay ku guuleysatay inay taageero ka hesho qaar kamid ah saraakiisha booliska iyo nabad-sugidda Galmudug, halka militariga ku sugan Dhuusamareeb loo arko caqabadda ugu weyn ee hortaagan qorshaha dowladda.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.