
Muqdisho – Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ka dib markii uu muddo ku maqnaa gobolka Hiiraan.
Soo noqoshada Sanbaloolshe ayaa ku soo beegantay xilli la filayo in uu kulan la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 24-ka saacadood ee soo socda, sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow xafiiska madaxtooyada.
Waxqabadkiisa Gobolka Hiiraan
Sanbaloolshe wuxuu ku hawlanaa degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan halkaas oo uu ka wadey abaabulka ciidamada Macawiisleyda iyo xoojinta horganka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ku firirsan deegaankaas.
Agaasimaha ayaa si gaar ah uga shaqeynayey sidii loo adkeeyn lahaa difaaca deegaanada ay daganaayeen beeshiisa, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda.
Kulan-ka la Sugayo ee Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo Madaxweyne xassan sheekh
Wararka ka imanaya ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulanka dhexmari doona Madaxweynaha iyo Agaasimaha NISA uu yahay mid muhiim ah. Waxa la filayaa in kulanka laga wada hadlo arrimo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka hay’adda iyo masiirka Sanbaloolshe laftiisa.
Ilaha qaar ayaa tilmaamaya in Sanbaloolshe uu diyaar u yahay in uu ka tanaasulo xilka haddii aan laga gaarin heshiis ku saabsan qodobbo muhiim ah oo uu ka qabo hoggaanka hay’adda.
Hay’adda NISA ayaa waxaa soo food saaray xaalad adag oo maamul labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Xilligan waxaa hay’adda ka shaqeynayey laba agaasime oo kala ah Sanbaloolshe oo gobolka Hiiraan ka maamulayey hawlaha ammaanka, iyo Mahad Salaad oo xafiiska dhexe ee hay’adda ka hawl galayey.
Xaaladdan oo laga yaabo in ay keento jahwareer maamul ayaa waxaa sii xoojinaya su’aalo la xiriira mustaqbalka hoggaanka hay’adda muhiimka ah ee ilaalinta amniga qaranka.
Saameynta Siyaasadeed
Waqtiga ay dhacayso arrintan ayaa ahmiyad gaar ah leh, maadaama ay ku soo beegantay xilli mucaaridka siyaasadda Soomaaliya ay diyaarinayaan bayaano muhiim ah. Qorshaha Villa Somalia iyo waxay ku soo aadan doonaan kulankan ayaa la filayaa in ay saameyn weyn ku yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Khabarka ka soo bixi doona shirka ayaa sidoo kale muhiim u ah sidii loo sii wadi lahaa howlaha ammaanka ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sidii loo ilaalin lahaa sugnaanta hay’adaha amniga.