Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maxay DF ka-tiri Bayaanki kasoo baxay shirki Mucaaradka

Wasiirka Gaashaandhigga DF, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta jawaab adag ka bixiyay bayaankii xalay ka soo baxay shirkii mucaaradka siyaasadeed ee ka dhacay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
June 1, 2025, 11:54 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Df Somaia
Share

Df Somaia

Wasiirka Gaashaandhigga DF, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta jawaab adag ka bixiyay bayaankii xalay ka soo baxay shirkii mucaaradka siyaasadeed ee ka dhacay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo qoraal kooban soo saaray ayaa tilmaamay in ujeedada ugu weyn ee bayaanka mucaaradka ay tahay in aan dib loogu laaban doorashadii 2022 ee Afisyooni.

Wasiirka Gaashaandhigga DF” Warka mucaaradku waa Madaxweyne Xasanow walaalow teendhada hanoo celin, Marka laga soo tago walaaca welwelka iyo walbahaarka ay ararta ka dhigteen;

warqadaha badan ee ay soo saareen xubinta laga qaadan karo waa;

In ay Ka soo horjeeddaan in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, ayna taageersan yihiin hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay. Iyo bogaadinta Guulaha ciidamada qalabka sida ee khawaarijta dalka ka xoraynaya,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Qodobada MucaaradkaMucaaradka siyaasadeed ee xalay shirka ku yeeshay magaalada ayaa soo saaray 11 qodob oo ay ugu muhiimsan tahay baaqaya doorasho daahfuran oo heshiis ku dhisan.

Madasha waxa ay ka soo horjeeddaa in dib loogu laabto doorashadii dadbanayd ee sanadkii 2022, waxay taageersantahay hannaan doorasho oo daahfuran oo heshiis lagu yahay, looguna gogol-xaarayo qof iyo cod, kuna salaysan dastuurkii dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen ee 2012, iyo xeerarka xisbiyada iyo guddiga doorashada uu ansixiyey iyo Baarlamaankii sagaalaad ee sharcigii doorashada tooska ah ee uu meel-mariyay Baarlamaankii 10aad ee DFS,” ayaa lagu sheegay bayaanka mucaaradka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale cambaareeyay wax ka beddelka dastuurka, iyagoo tilmaamay in taasi khatar ku tahay geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo midnimada Soomaaliyeed.Isbahaysi Cusub

Shirka mucaaradka ayaa lagu dhisay isbahaysi siyaasadeed oo cusub kaas oo hoggaankiisu uu ka kooban yahay guddoomiye, saddex ku-xigeen, xoghaye iyo afhayeen guud. Qaab-dhismeedka hoggaanka ayaa u ekaaday mid ku salaysan awood-qaybsi siyaasadeed.

Jawaabta DowladdaDowladda Federaalka ayaa si adag uga hadashay qodobada ka soo baxay shirka mucaaradka, iyadoo ku adkaysanaysa in doorashada qof iyo cod ay tahay tii lagu heshiiyay oo hadda diiwaangelin ka socoto caasimadda.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa muuqata mid sii kacsan, iyadoo labada dhinac ay ku adkaysanayaan mawqifkooda ku aaddan habka doorashada soo socota.

Waxaa la sugayaa sida ay xukuumaddu uga jawaabi doonto tallaabada cusub ee mucaaradka iyo waxa ay ku soo aadan doonto xaaladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.