ADDIS ABABA — Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wajahaya dhaleecayn ballaaran kadib siyaasaddiisa ku aaddan helitaanka marin badeed.
Tan iyo 2018 markii uu xilka la wareegay, Abiy Ahmed wuxuu ku tilmaamay bad la-aanta Itoobiya in ay tahay dhibaato jiritaan. dalkuna uu u bahanyahay marin badeed,
“Baahida Itoobiya u qabto deked waa dhab, laakiin qaabka uu Abiy u maamulay waxay dalka ka dhigtay mid ka nugul sidii hore,” ayuu yiri Surafel Getahun oo falanqeeye ah.
Heshiiskii ugu dhibka badnaa wuxuu ahaa is-afgaradkii January 2024 ee Somaliland. kaas oo ay ku heli lahaayeen xeeb kiro ah 50 sano laakiin taas ayaa fashilantay.
Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraystay heshiiskan. Waxay u aqoonsatay duulaan kadhan ah madaxbanaan dalka. Midowga Afrika iyo dalalka Carabta ayaa sidoo kale taageeray Soomaaliya.
“Heshiisku wuxuu kiciyay duufaan diblomaasiyad,” ayuu yiri Getahun. “Wuxuu Itoobiya ka fogeeyay deris muhiim ah.”
Xiriirka Eritrea oo horay loo arkayay mid wanaagsan ayaa xumaanaya. Rajadii dekedaha Eritrea hadda waa mid fog.
Jabuuti oo maamusha 95% ganacsiga Itoobiya ayaa ka shakisan. Waxay bilowday inay kala duwato macaamiisheeda.
Gudaha dalka, ciidanka Itoobiya waa mid daallan. Dagaalkii Tigray kadib waxaa soo baxay rabshado cusub.
“Itoobiya waxay la tacaalaysaa dagalo badan oo gudaha ah iyadoo dibadda awood umuujinaysa,” ayuu ka digay Getahun.
Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in siyaasadda Abiy ay gabi ahaanba wiiqday dhamaan:
- Diblomaasiyad gobolka
- Xiriirka Jabuuti
- Awoodda milateri
- Sumcadda dalka
“Digniino kama dambays ah ayaa astaan u ah siyaasadda Abiy. Laakiin waqtigan waxaa loo baahan yahay diblomaasiyad,” ayuu yiri Getahun.
Itoobiya waxay u baahan tahay inay dib ugu laabato wada hadal dhinacyo badan leh. Haddii kale, dalku wuxuu wajahayn doonaa dhibaato ka sii daran.