Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar edheysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo muujinayay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in falkaasi uu ka hor imaanayo anshaxa iyo qiyamka Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uusan matalin mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay xustay in dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay falkaasi gacanta lagu dhigay, isla markaana ay wajihi doonaan tallaabooyin waafaqsan sharciga.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, dadka la soo bandhigay ayaa kala ah Cabdikhadar Mahad Cumar (22 jir), Maxamed Raage Xuseen (16 jir), Muudey Faysal Muudey (17 jir) iyo Maxamed Amiin Qaasim Muuse (15 jir). Dowladda ayaa intaas ku dartay inaan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawacaya sumcadda iyo sharafta ciidamada qalabka sida.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in hay’adaha amniga ay sii wadi doonaan ilaalinta anshaxa ciidamada iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku kacda falal ka baxsan xeerarka ciidamada.
War-saxaafaddan ayaa daba socota bayaan hore oo ay dowladda Soomaaliya ku muujisay sida ay uga xun tahay dhacdada, iyadoo caddeysay inay qiimeynayso xiriirka iyo iskaashiga amni ee kala dhexeeya Mareykanka.
Dowladda ayaa sheegtay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaatay taageerada howlgalada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.



















