Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay eedeysanayasha loo haysto ku xadgudubka calanka Mareykanka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar edheysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo muujinayay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.‎‎

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 12, 2026, 8:52 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay eedeysanayasha loo haysto  ku xadgudubka calanka Mareykanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay afar edheysane oo loo haysto inay ku lug lahaayeen muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo muujinayay shaqsiyaad xiran dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka.‎‎

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in falkaasi uu ka hor imaanayo anshaxa iyo qiyamka Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uusan matalin mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaraddu waxay xustay in dhammaan dadka lagu tuhunsan yahay falkaasi gacanta lagu dhigay, isla markaana ay wajihi doonaan tallaabooyin waafaqsan sharciga.‎‎

Sida ay sheegtay wasaaraddu, dadka la soo bandhigay ayaa kala ah Cabdikhadar Mahad Cumar (22 jir), Maxamed Raage Xuseen (16 jir), Muudey Faysal Muudey (17 jir) iyo Maxamed Amiin Qaasim Muuse (15 jir). Dowladda ayaa intaas ku dartay inaan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawacaya sumcadda iyo sharafta ciidamada qalabka sida.‎‎

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in hay’adaha amniga ay sii wadi doonaan ilaalinta anshaxa ciidamada iyo la xisaabtanka cid kasta oo ku kacda falal ka baxsan xeerarka ciidamada.‎‎

War-saxaafaddan ayaa daba socota bayaan hore oo ay dowladda Soomaaliya ku muujisay sida ay uga xun tahay dhacdada, iyadoo caddeysay inay qiimeynayso xiriirka iyo iskaashiga amni ee kala dhexeeya Mareykanka.

Dowladda ayaa sheegtay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaatay taageerada howlgalada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta hay’adaha amniga Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.