Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa shaaciyay in dad ay qaraabo iyo saaxiibo yihiin ay garab istaageen mucaaradka intii uu socday dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ilaaladii hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Universal, ayuu Sheekh Shariif sheegay in dhinacooda ay goobta geeyeen oo keliya ilaaladooda, balse markii dagaalku qarxay ay kusoo biireen dad rayid ah oo ay xiriir dhow lahaayeen, kuwaas oo ka qeyb qaatay iska caabinta ciidamada dowladda.
“Ciidanka nala socday wuxuu ahaa ilaaladeenna. Dad degganaa deegaanka oo qaraabanimo ama saaxiibtinimo nala lahaa, isla markaana u arkayay in nala dulminayo, ayaa iyaguna dagaalka qayb ka noqday,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in guryihii ay deganaayeen ay lahaayeen meelo gabaad ah oo hore loogu diyaariyay xaaladaha degdegga ah, isagoo xusay in aan wax cusub la dhisin xilligii dagaalku socday, balse ay ka faa’iideysteen difaacyadii hore u jiray.
Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in mucaaradku uusan ka tanaasulin qorshihii dibadbaxa, isagoo ku tilmaamay isu soo baxa shacabka xuquuq dastuuri ah oo qof kasta uu leeyahay. Wuxuu xusay in dibadbaxa la qaban doono marka la helo duruufaha ku habboon.
Hadaladan ayaa kusoo aadaya iyadoo weli uu taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, inkastoo ay socdaan wada-hadallo lagu doonayo in xal looga gaaro muranka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Wada-hadallada ayaa waxaa garwadeen ka ah dhinacyo caalami ah, iyadoo la filayo in natiijadoodu door muhiim ah ka qaadato dejinta xiisadda siyaasadeed iyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad ku saabsan geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya.


















