Wararka24: Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay qarxisay anteeno ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Golis, taas oo adeeg isgaarsiin siin jirtay deegaano dhowr ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Puntland.
Anteenada la qarxiyay ayaa ku taallay deegaanka Sheebaab, waxaana la sheegay in lagu burburiyay walxaha qarxa. Lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, balse waxaa burbur xooggan soo gaaray qalabkii isgaarsiinta, iyadoo adeegii isgaarsiinta uu ka go’ay deegaano ku dhow halkaasi.
Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku nool deegaannada buuraleyda Calmiskaad, maadaama adeegyada isgaarsiintu ay muhiim u yihiin isku xirka bulshada, ganacsiga, ciidamada ammaanka iyo howlaha gurmadka.
Sida wararku sheegayaan, tani waa markii labaad sanadkan gudihiisa oo kooxda Daacish ay waxyeello gaarsiiso adeegyada isgaarsiinta ee deegaanka Sheebaab. Bishii Abriil ee sanadkan ayay kooxda weerar kale ku dishay shaqaale ka tirsanaa shirkadda Golis iyo xubno ilaalo u ahaa oo ka hawlgalayay isla deegaankaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdu ay marar badan bartilmaameedsato adeegyada isgaarsiinta si ay u carqaladeyso isku socodka xogta iyo xiriirka ka dhexeeya deegaannada ay ku sugan tahay.
Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe ahayd goob ay ku xoogan tahay Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo ciidamada ammaanka Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda.
Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada lagu beegsanayo fariisimaha Daacish ee ku yaalla Calmiskaad, iyadoo dadaalladaasi lagu doonayo in laga hortago weerarrada lagu bartilmaameedsanayo shacabka iyo adeegyada muhiimka ah.


















