Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daacish oo qarxisay anteenada isgaarsiinta ee ku taallay Calmiskaad

Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay qarxisay anteeno ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Golis, taas oo adeeg isgaarsiin siin jirtay deegaano dhowr ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 1, 2026, 1:17 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daacish oo qarxisay anteenada isgaarsiinta ee ku taallay Calmiskaad
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wararka ka imanaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay qarxisay anteeno ay lahayd shirkadda isgaarsiinta Golis, taas oo adeeg isgaarsiin siin jirtay deegaano dhowr ah oo ku yaalla dhulka buuraleyda ah ee Puntland.

Anteenada la qarxiyay ayaa ku taallay deegaanka Sheebaab, waxaana la sheegay in lagu burburiyay walxaha qarxa. Lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarka, balse waxaa burbur xooggan soo gaaray qalabkii isgaarsiinta, iyadoo adeegii isgaarsiinta uu ka go’ay deegaano ku dhow halkaasi.

Weerarkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka ku nool deegaannada buuraleyda Calmiskaad, maadaama adeegyada isgaarsiintu ay muhiim u yihiin isku xirka bulshada, ganacsiga, ciidamada ammaanka iyo howlaha gurmadka.

Sida wararku sheegayaan, tani waa markii labaad sanadkan gudihiisa oo kooxda Daacish ay waxyeello gaarsiiso adeegyada isgaarsiinta ee deegaanka Sheebaab. Bishii Abriil ee sanadkan ayay kooxda weerar kale ku dishay shaqaale ka tirsanaa shirkadda Golis iyo xubno ilaalo u ahaa oo ka hawlgalayay isla deegaankaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxdu ay marar badan bartilmaameedsato adeegyada isgaarsiinta si ay u carqaladeyso isku socodka xogta iyo xiriirka ka dhexeeya deegaannada ay ku sugan tahay.

Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe ahayd goob ay ku xoogan tahay Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo ciidamada ammaanka Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda.

Puntland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada lagu beegsanayo fariisimaha Daacish ee ku yaalla Calmiskaad, iyadoo dadaalladaasi lagu doonayo in laga hortago weerarrada lagu bartilmaameedsanayo shacabka iyo adeegyada muhiimka ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

3 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.