• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Daawo: Ra’iisul Wasaara Xamza oo difaacay qorshaha dowladda ee Puntland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ra’iisul Wasaara Xamza oo difaacay qorshaha dowladda ee Puntland
Share

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa difaacay qorshaha Dowladda Federaalka ee ka socda deegaannada Puntland, isaga oo sheegay in dowladda ay gudaneyso waajibaadkeeda qaran, ayna xaq u leedahay inay adeegyo gaarsiiso dhammaan qaybaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, isagoo meesha ka saaray eedeymaha sheegaya in dowladda dhexe ay faragelin ku hayso Puntland.

Xamza ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dalka oo dhan, isla markaana ay xaq u leedahay inay shaqaale qorto, adeegyo gaarsiiso iyo inay booqato deegaan kasta oo Soomaaliyeed.

“Goormee noqotay in dowladda Soomaaliyeed ay dalkeeda adeeg gayso, qof Soomaali ah shaqaaleysiiso ama booqato ay noqoto faragelin?” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Hadallada Xamza ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, gaar ahaan arrimaha la xiriira qorista ciidamada iyo maamulka amniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda, isagoo ku eedeeyay inay mudnaanta siinayaan dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii ay ka hormarin lahaayeen danta guud ee dalka.

Dhankiisa, maamulka Puntland ayaa hore uga horyimid tallaabooyinka dowladda dhexe ee ku saabsan abaabulka ciidamada gudaha Puntland, isagoo ku tilmaamay kuwo ka hor imanaya nidaamka federaalka.

Khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe ayaa sii xoogeysanayay bilihii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo ay ka mid yihiin amniga, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.