Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay doorashooyinka iyo maalgelinta AUSSOM

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Selma Malika Haddadi, ayaa sheegtay inay kulan la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo wakiil ka ahayd Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 3:12 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wada hadlay doorashooyinka iyo maalgelinta AUSSOM
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Selma Malika Haddadi, ayaa sheegtay inay kulan la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo wakiil ka ahayd Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Qoraal ay ku baahisay barta X ayay ku xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale adkaysay sii wadidda taageerada ay siiyaan dadaallada amniga iyo xasilloonida ee ay hoggaaminayaan Soomaalida.

Selma Malika Haddadi ayaa bogaadisay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna xustay guulaha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi.

Waxay sidoo kale soo dhoweysay dadaallada Madaxweynaha ee lagu horumarinayo wada-hadal loo dhan yahay ka hor doorashooyinka soo socda, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhinaca maalgelinta ee howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo muhiimadda ay leedahay in la helo xalal waara, la saadaalin karo, isla markaana ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale xaqiijisay in ururku uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo fulinaya Ajendaha 2063 iyo taageerada howlgalka AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu garab istaagi doono Soomaaliya inta ay isu diyaarinayso doorashooyinka soo socda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.