Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda oo sii xoojisay howlgalka hub ururinta gudaha caasimada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii waddo howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in ujeedada ugu weyn ay tahay xakameynta hubka sharci darrada ah iyo adkeynta amniga caasimadda.…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 8, 2026, 3:59 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda oo sii xoojisay howlgalka hub ururinta gudaha caasimada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii waddo howlgalka hub ka dhigista ee lagu beegsanayo xaafadaha ay joogaan ciidanka mucaaradka, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in ujeedada ugu weyn ay tahay xakameynta hubka sharci darrada ah iyo adkeynta amniga caasimadda. Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay jireen xiisado siyaasadeed iyo iska hor imaadyo dhacay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in howlgalka weli socdo, isla markaana ciidamada amniga ay diiradda saarayaan uruurinta hubka aan sharciga waafaqsanayn. Wuxuu shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo amniga guud ee magaalada.

Macallin Mahdi ayaa sidoo kale ku boorriyay muwaadiniinta inay la wadaagaan laamaha amniga xog kasta oo la xiriirta hub sharci darro ah. Sida uu sheegay, wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ayaa muhiim u ah guusha howlgalka iyo sugidda xasilloonida Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in howlgalka lagu ballaariyay degmooyin iyo deegaano horleh oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo duleedkiisa. Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa sidoo kale laga dareemay deegaanno ku dhow Jaziira, halkaas oo ciidamada amniga ay ka wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Cabdicasiis iyo meelo kale oo ka tirsan Muqdisho. Howlgalladaas ayaa lagu sheegay kuwo lagu baadi goobayay hub iyo kooxo la tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin abaabul ciidan oo aan fasax haysan.

Dhanka kale, xaaladda guud ee Muqdisho ayaa la sheegay inay tahay mid deggan, iyadoo ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in kulamo iyo wada-hadallo ay socdaan, kuwaas oo ay taageerayaan dhinacyo caalami ah, si xal looga gaaro khilaafaadka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka kumeel gaarka ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

22 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

23 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

23 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

24 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.