Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Shakiga laga qaba sisocoshada howlgalka AUSSOM iyadoo wajahysa dhaqaale yari

Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed oo sii kordhaya, kuwaas oo khatar gelin kara awoodda howlgalka ee sugidda amniga…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 3, 2026, 3:36 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Shakiga laga qaba sisocoshada howlgalka AUSSOM iyadoo wajahysa dhaqaale yari
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda ee Stockholm (SIPRI) ayaa ka digtay in howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed oo sii kordhaya, kuwaas oo khatar gelin kara awoodda howlgalka ee sugidda amniga Soomaaliya.

Warbixin cusub oo ay hay’addu soo saartay ayaa muujisay in howlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ay la kulmayaan hoos u dhac ku yimid tirada ciidamada iyo shaqaalaha, iyadoo dhammaadka sanadkii 2025 la diiwaangeliyay heerkii ugu hooseeyay muddo ka badan 25 sano. SIPRI ayaa sheegtay in xaaladdan ay ka dhalatay dhaqaale yari, khilaafaad siyaasadeed iyo loollan sii xoogeysanaya oo u dhexeeya quwadaha waaweyn ee caalamka.

Warbixinta ayaa xustay in AUSSOM, oo sanadkii 2025 beddelay howlgalka ATMIS, uu weli la daalaa dhacayo maalgelin aan joogto ahayn. Inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhiyay muddada howlgalka ilaa dhammaadka 2026, haddana waxaa la muujiyay walaac ku saabsan sida loo heli doono dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah sii socoshada howlaha amniga.

SIPRI waxay sheegtay in Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ka joogaan howlgalka ay dhowr jeer yeesheen kulamo looga hadlay maalgelinta AUSSOM, balse weli ay jiraan caqabado la xiriira hirgelinta nidaamyada cusub ee taageerada dhaqaale. Hay’addu waxay ka digtay in haddii aan xal loo helin arrintan, ay saameyn ku yeelan karto howlgalada lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya.

Dhanka kale, warbixintu waxay xustay in Midowga Yurub uu bishii Abriil 2026 xaqiijiyay taageero dhan 75 milyan oo Yuuro oo loogu talagalay AUSSOM, taas oo muujinaysa in weli ay jirto taageero caalami ah oo loo hayo howlgalka. Si kastaba, khubaradu waxay sheegeen in loo baahan yahay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo joogto ah si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.

SIPRI ayaa ugu dambeyn ka digtay in haddii ay sii socdaan dhibaatooyinka maalgelinta iyo khilaafaadka siyaasadeed, howlgalada nabad ilaalinta caalamiga ah ay wajihi karaan hoos u dhac weyn, taas oo saameyn karta dadaallada lagu xallinayo colaadaha iyo xasilinta dalalka ay Soomaaliya ku jirto.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.