• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo dib u heshay kursi muhiim ah oo ka maqnaa+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo dib u heshay kursi muhiim ah oo ka maqnaa+sawiro
Share

Wararka24: Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee TUBSAN, Cali Yaasin Gurbe, ayaa loo doortay xubinnimada guddiga sare ee hay’adda caalamiga ah ee GCERF, taas oo taageerta dadaallada lagu xoojinayo adkeysiga bulshada iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha leh.

Doorashadan ayaa ka dhacday shir heer sare ah oo ay hay’addu ku qabatay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo ay isugu yimaadeen wakiillo iyo mas’uuliyiin ka socday dalal kala duwan oo ku yaalla Afrika, Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo taageerada bulshooyinka la tacaalaya caqabadaha amni iyo horumarineed.

Cali Yaasin Gurbe ayaa xilkan kala wareegay Kibiego Rotich oo ka socday Kenya, kaas oo muddo metelayay dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Mozambique ee guddiga sare ee GCERF. Tallaabadan ayaa ka dhigan in Soomaaliya dib u soo ceshatay metelaaddeedii tooska ahayd ee hay’adda, kadib sannado ay wakiilladu uga imaanayeen dalal kale.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa doorashadan ku tilmaamay guul muhiim ah oo muujinaysa kororka kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah. Waxa ay sheegeen in xubinnimada cusub ay dalka siinayso fursad uu si dhow uga qayb qaato dejinta siyaasadaha iyo qorshayaasha la xiriira adkeysiga bulshada iyo ka hortagga xagjirnimada.

GCERF ayaa caan ku ah taageerada ay siiso barnaamijyada lagu xoojinayo ka qaybgalka bulshada, horumarinta nabadda iyo yaraynta khataraha la xiriira rabshadaha iyo fikirrada xagjirka ah. Hay’addu waxay si gaar ah ula shaqeysaa dalalka wajahaya caqabado amni iyo kuwo dowladnimo.

Xarunta Qaran ee TUBSAN ayaa sanadihii la soo dhaafay hormuud ka ahayd dadaallo lagu xoojinayo xasilloonida bulshada iyo ka hortagga xagjirnimada gudaha Soomaaliya. Doorashadan cusub ayaa la filayaa inay sii kordhiso doorka ay Soomaaliya ku leedahay wada shaqeynta caalamiga ah ee dhinacyada nabadda iyo amniga.

Shirka xiga ee guddiga sare ee GCERF ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Tokyo ee dalka Japan, halkaas oo xubnaha cusub ay si rasmi ah uga bilaabi doonaan waajibaadkooda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.