• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland
Share

Wararka24: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo dhaliilay siyaasadaha maamulka Puntland iyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha, wasiirka ayaa sheegay in tiro badan oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Puntland ay tahriibeen, halka kuwo kalena ay u soo guureen magaalada Muqdisho si ay uga raadsadaan fursado shaqo iyo nololeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu hor istaagay qaar kamid ah adeegyada iyo barnaamijyada dowladda federaalka, isagoo tusaale u soo qaatay arrimaha la xiriira aqoonsiga qaranka iyo barnaamijyada loogu talagalay dhalinyarada.

Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay marar badan ka hor timid qorshayaal iyo mashaariic ay wadday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku dooday in arrintaasi saameyn ku yeelatay wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, wasiirka ayaa dib u xusay muranno hore oo dhex maray dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaas oo ay kamid tahay khilaafkii ka dhashay markab hub sida oo lagu qabtay xeebaha Puntland sanadihii la soo dhaafay.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga dalka.

Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana la sugayaa haddii ay ka soo saaraan wax war ah oo ku saabsan hadalladaasi.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.