Wararka24: Hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, Aayatullaahi Mojtaba Khamenei, ayaa diiday soo-jeedino lagu yareynayo xiisadda gobolka, kuwaas oo ay u soo gudbiyeen laba dal oo dhex-dhexaadiyeyaal ah, isagoo ku adkeystay in marka hore la qasbo Mareykanka iyo Israa’iil si ay “jilbaha dhulka ugu dhigaan,” sida ay xaqiijiyeen sarkaal sare oo Iiraani ah.
Mojtaba Khamenei ayaa yeeshay fadhigiisii ugu horreeyay ee arrimaha dibadda tan iyo markii loo magacaabay hoggaamiyaha sare ee dalka, wuxuuna qaatay mowqif adag oo ka dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil.
Sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in jawaabta Khamenei ay caddeyneyso inuusan waqtigii nabadda ah soo gaarin ilaa cadowga qirto jabkooda oo bixiyo magdhow buuxa.
Dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaaday Iiraan ayaa galay toddobaadkiisii saddexaad, iyadoo ugu yaraan 2,000 qof ay ku dhinteen, halka Marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz uu weli u xiran yahay.
Xaalada ayaa kasii dartay ka dib markii xulafada Mareykanka ay iska diideen codsiga Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in ay ka qeyb qaataan dib-u-furidda marin-biyoodkan, taasoo abuuraysa cadaadis dhaqaale iyo sicir-barar suuqyada tamarta.
Fariinta ugu horreysa ee Khamenei tan iyo markii la doortay ayaa lagu akhriyay telefishinka dowladda, waxaana hoggaamiyaha cusub ku adkeystay in xirnaanta Marinka Hormuz loo adeegsan doono aalad cadaadis oo lagula tacaalayo cadowga Iiraan.


















