• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Soomaaliya
Share

Wararka24: 9-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay nuqulka dastuurka cusub ee dalka, kadib markii ay ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda saxiixa oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa Madaxweynaha ku sheegay in dastuurkan uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu bilaabi doonto dhaqan gelinta dastuurka cusub, kaas oo uu tilmaamay inuu saldhig u noqon doono xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Maanta waxaa soo gabangaboobay safarkii dheeraa ee dib u eegista dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo muddo dheer ku meel gaar ahaa, isla markaana Baarlamaanka Federaalka uu dhowaan ansixiyay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda saxiixa dastuurka waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo guddoomiyeyaasha guddiyada dib u eegista dastuurka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.