Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan dalka Shiinaha, safar lagu sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal.
Socdaalkan ayaa ka duwan booqashooyinkii hore ee madaxda Soomaaliya ay ku tegi jireen Beijing, maadaama uu ku soo beegmayo xilli ay kordheen walaaca ay wadaagaan Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku saabsan xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Dowladda Soomaaliya ayaa u aragta Shiinaha saaxiib muhiim ah oo ka caawin kara sidii looga hortagi lahaa dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah oo loo siiyo Somaliland, iyada oo sidoo kale laga filayo inuu safarkani dejiyo habka siyaasadeed ee arrintan loo wajahayo.
Dhawaan, dowladda Shiinaha ayaa si cad uga hor timid dhambaalkii uu xildhibaan Ted Cruz u diray Donald Trump, kaas oo ku baaqayay in Somaliland si rasmi ah loo aqoonsado.