Soomaaliya iyo Somaliland oo Shir Caalami ah ka soo Muuqday sida labo dal.

Share

Soomaaliya iyo Somaliland

WINDHOEK — Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta si siman uga soo muuqday shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Windhoek ee dalka Namibia.

Sawirro laga soo qaaday furitaanka shirka ayaa muujinaya calanka Soomaaliya iyo kan Somaliland oo si saf-siman isku barbar yaalla. Somaliland ayaa la siiyay meeqaamka dal shirkan.

Shirka ayaa ka hadlayay kaabayaasha dhaqaalaha xabsiyada Afrika. Waxaa ka qayb galay 45 dowladood oo Afrikaan ah. Hay’adda ICRC iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Namibia ayaa soo qaban-qaabiyay shirka.

Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa wafdi u dirtay shirka. Wafdiga ayaa ka hadlay arrimaha xabsiyada iyo nidaamka cadaaladda.

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa ka hadlay muuqaalka labada dal ee shirkan. Qaar ayaa ku tilmaamay xadgudub halka kuwo kale ay soo dhaweeyeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan.

Somaliland ayaa horay uga qayb gashay shirar caalami ah inkastoo aysan haysan aqoonsi caalami ah. Dunidu waxay u aqoonsatay Somaliland maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya.


Share