Wararka24: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay howlgal ka fuliyeen deegaanka Hanti Wadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday horjooge lagu magacaabi jiray Abuu Cabdalla, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal amni-darro oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay waardiye gaar ah oo la socday horjoogaha la bartilmaameedsaday. Dowladda ayaa xustay in ninkan uu door ku lahaa hagidda iyo qorsheynta dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab ee gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu beegsanayo horjoogeyaasha iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab, si loo wiiqo awooddooda loogana hortago weerarro ay qorsheynayaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgalada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaanno kala duwan hawlgallo amniga lagu sugayo.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay in howlgalada noocan oo kale ah ay sii socon doonaan, iyagoo xusay in ujeeddadu tahay xoojinta amniga iyo yareynta khatarta kooxaha hubeysan ee ka howlgala qaybo kamid ah dalka.


















