Wararka24: Xildhibaano iyo senatorro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si fagaare ah uga hadlay khilaaf siyaasadeed oo la sheegay inuu u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Senator Aadan Cabdinaasir oo ka tirsan Aqalka Sare kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xaaladda taagan ay tahay “arrin ayaan darro ah,” isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wadday dagaal siyaasadeed qarsoodi ah oo hadda isu beddelay cunaqabateyn saameyn ku yeelatay shacabka Koonfur Galbeed.

Senatorku wuxuu sidoo kale xusay in xaaladdan ay la mid tahay digniinihii hore uga imaan jiray dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ee ku saabsanaa khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada qaar.
Dhankiisa, Senator Xuseen Maxamed Daahir oo taageero u muujiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay ku fashilantay arrimo uu sheegay inay ka mid yihiin kicinta qabaa’ilka, kala furfurka ciidamada iyo hurinta colaado gudaha ah.
Xildhibaan Maxamed Cali oo ka tirsan mudanayaasha dhaliilsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqay in arrimaha siyaasadda si cad loo soo bandhigo, isagoo sheegay in loo baahan yahay in si furan looga hadlo khilaafaadka jira.
Sidoo kale, Xildhibaan Aamina Eelay oo ka mid ah mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku baaqday in la dhiso maamul loo dhan yahay, iyadoo muujisay rajada ah in xaaladda siyaasadeed lagu xallin karo wadahadal iyo isfaham.
Hadaladan iska soo horjeeda ee ay mudanayaasha Baarlamaanka ku baahiyeen baraha bulshada ayaa muujinaya inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.


















