Wararka24: Sagaal xubnood oo Soomaaliya ku matalaya Bulshada Bariga Afrika ayaa lagu dhaariyay Golaha Sharci-dejinta ee ururka (EALA), taasoo ka dhigan ka qaybgalka rasmiga ah ee ugu horreeya ee Soomaaliya ee baarlamaanka gobolka tan iyo markii ay ku biirtay ururka sanadkii 2023.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday magaalada Arusha, kadib markii la xalliyay caqabado sharciyeed oo hore u hakiyay ka mid noqoshada Soomaaliya ee golaha.
Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika ayaa oggolaatay in xubnahan ay kuraastooda fariistaan, taasoo soo afjartay muddo hubanti la’aan ah.
Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ku tilmaamay dhacdadan maalin taariikhi ah oo guul siyaasadeed u ah Soomaaliya, isagoo xusay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta isdhexgalka gobolka, nabadda iyo horumarka dhaqaale.
Xubnaha la dhaariyay ayaa kala ah: Abuukar Cabdi Cismaan, Xuseen Xasan Cabdi, Sahra Cali Xasan, Ilhaan Cali Gassar, Faadumo Cabdullaahi Maxamuud Insaaniye, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Cabdiraxmaan Bashiir Shariif, Faysal Cabdi Rooble iyo Fahma Axmed Nuur.
Ka mid noqoshada golahan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ugu sii dhawaaneyso isdhexgal buuxa oo ay la yeelato dalalka kale ee ururka.


















