Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh Oo xarigga ka jaray Xarunta Cusub Ee Wasaaradda Dhallinyarada+sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, taas oo dowladda federaalka ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo taageerada ciyaaraha…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 12:42 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh Oo xarigga ka jaray Xarunta Cusub Ee Wasaaradda Dhallinyarada+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, taas oo dowladda federaalka ku tilmaamtay tallaabo muhiim u ah horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo taageerada ciyaaraha dalka.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada, maamulka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin kale oo dowladda ah, dhallinyaro iyo marti sharaf lagu casuumay munaasabaddaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xaruntan cusub ay leedahay muhiimad gaar ah, maadaama lagu hirgeliyay awood iyo aqoon Soomaaliyeed. Wuxuu tilmaamay in dhismahan uu astaan u yahay dadaalka lagu doonayo in lagu kobciyo kaalinta dhallinyarada ee dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, isaga oo ku ammaanay dadaallada ay ku bixisay hirgelinta xaruntan casriga ah. Wuxuu xusay in dowladda federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay laf-dhabarta mustaqbalka dalka.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ayuu madaxweynuhu sidoo kale kaga hadlay arrimaha amniga, dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee dowladda hadda waddo. Wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saareyso dhismaha hay’ado dowladeed oo ku shaqeeya nidaam sharci iyo isla xisaabtan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in dhammaan ajendeyaasha dowladda lagu saleeyn doono dastuurka dalka, si loo xaqiijiyo nidaam dowladeed oo ku dhisan sharciyad iyo matalaad dadweyne.

Furitaanka xaruntan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay waddo qorshayaal la xiriira horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta ka qeybgalka dhallinyarada ee arrimaha dowladnimada iyo nabadeynta dalka.


    Share

    Wararkii ugu dambeeyay

    FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

    FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

    1 day ago
    Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

    Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

    1 day ago
    Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

    Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

    1 day ago
    Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

    Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

    1 day ago
    Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

    Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

    1 day ago
    Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

    Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

    1 day ago
    Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

    Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

    1 day ago
    Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

    Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

    1 day ago
    ADVERTISEMENT
    wararka24

    Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

    Stay informed. See the bigger picture.

    Explore

    Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

    Wararka24

    About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

    • About Us
    • Contact Us
    • Terms & Conditions
    • Privacy Policy
    • Editorial Policy
    • Kudar Wararka24 Google

    © 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

    No Result
    View All Result
    • Home
    • Manta
    • Somalia
    • Caalamka
    • Afrika
    • Bulshada
    • Somali celebrity
    • Ciyaaraha
    • Nala Soo Xiriir

    © 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

    Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

    Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

    1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
    2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
    3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
    1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
    2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
    3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
    1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
    2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
    3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

    Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.