• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii ee SYL+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh oo ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii ee SYL+sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabad lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ururkaas taariikhiga ahaa.

Munaasabadda ayaa ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku dhow Villa Somalia, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, ururrada dhallinyarada iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah ubaxa ugu dhigay taallada SYL, iyadoo la filayay inuu munaasabadda ka jeediyo khudbad diiradda lagu saarayo doorkii ay dhallinyaradii SYL ku lahaayeen halgankii gobannimo-doonka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, ay si weyn u xusuustaan geesiyadii SYL ee u istaagay xorriyadda iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in dhallinyaradii SYL ay lahaayeen aragti mideysan oo ku saabsan badbaadinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

15-ka May sanadkii 1943-dii ayaa la aasaasay ururka SYL, oo ay dhiseen dhalinyaro Soomaaliyeed oo hormuud u noqday halgankii gobannimo-doonka dalka, iyadoo Soomaaliya ay 17 sano kadib heshay madax bannaanideeda.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.