Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii ee SYL+sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabad lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ururkaas taariikhiga ahaa.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 5:08 pm EAT
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh oo ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii ee SYL+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabad lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aasaaskii ururkaas taariikhiga ahaa.

Munaasabadda ayaa ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku dhow Villa Somalia, waxaana kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, ururrada dhallinyarada iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si rasmi ah ubaxa ugu dhigay taallada SYL, iyadoo la filayay inuu munaasabadda ka jeediyo khudbad diiradda lagu saarayo doorkii ay dhallinyaradii SYL ku lahaayeen halgankii gobannimo-doonka Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, ay si weyn u xusuustaan geesiyadii SYL ee u istaagay xorriyadda iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in dhallinyaradii SYL ay lahaayeen aragti mideysan oo ku saabsan badbaadinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

15-ka May sanadkii 1943-dii ayaa la aasaasay ururka SYL, oo ay dhiseen dhalinyaro Soomaaliyeed oo hormuud u noqday halgankii gobannimo-doonka dalka, iyadoo Soomaaliya ay 17 sano kadib heshay madax bannaanideeda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

24 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.