• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada Koonfur Galbeed iyo mucaaradka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashada Koonfur Galbeed iyo mucaaradka
Share

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta khudbad uu u jeediyay shacabka kaga hadlay doorashooyinka ka socda maamulka Koonfur Galbeed, bannaanbaxa mucaaradka iyo gogosha wadahadalka ee dowladda u fidisay dhinacyada siyaasadda. Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad cusub oo ku wajahan doorasho qof iyo cod ah.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee maanta ka dhacay Koonfur Galbeed ay yihiin dhacdo muhiim ah oo taariikhi ah. Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed mar kale heleen fursad ay si toos ah ugu cabbiraan rabitaankooda siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in nidaamka doorasho qof iyo cod uu yahay mid ka tarjumaya rabitaanka shacabka, islamarkaana dowladda federaalka ay ka go’an tahay in nidaamkaas laga hirgeliyo guud ahaan dalka. Wuxuu sheegay in dowladdu sii waddo qorshaha dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadeed.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa mucaaradka ku eedeeyay in aanay muujin niyad wanaagsan, isagoo su’aal geliyay waqtiga ay doorteen bannaanbaxa. Wuxuu sheegay in dowladda ay hore ugu baaqday shir hordhac ah oo wadahadal siyaasadeed ah, balse mucaaradka ay doorteen waddo kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay oggolaatay in bannaanbaxu dhaco, balse lagu qabto goob cayiman si loo ilaaliyo amniga iyo kala dambeynta. Wuxuu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay si dhow u fahmeen xaaladda, islamarkaana ay muujiyeen mowqifkooda.

Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhacay 13 degmo oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool. Guddiga doorashada ayaa sheegay in 15 urur siyaasadeed iyo boqolaal musharrax ay ku tartamayaan kuraasta golaha wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, iyadoo shacabka ay si toos ah codkooda u dhiibteen.

DAAWO


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.