• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasaaradda Dhallinyarada oo kulan layeelatay ururrada dhallinyarada+sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wasaaradda Dhallinyarada oo kulan layeelatay ururrada dhallinyarada+sawiro
Share

Wararka24: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada si loo xoojiyo wada shaqaynta iyo isfahamka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka iyo diyaar garowga xuska maalinta qaran.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallo ay Wasaaraddu ku xoojinayso hoggaaminta ajandaha horumarinta dhallinyarada. Waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda wadatashiga, ka qaybgalka dhabta ah iyo dhisidda iskaashi waara oo u dhexeeya dowladda iyo ururrada dhallinyarada.

Intii uu socday kulanka, dhinacyadu waxay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan sida ugu habboon ee loo qaban karo xuska Maalinta Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa la isla gartay in maalintan laga dhigo mid kor u qaadda midnimada, wacyigelinta iyo ka qaybgalka dhallinyarada.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale muujiyay in dhallinyarada ay yihiin laf dhabarta bulshada, loona baahan yahay in si joogto ah loogu daro go’aan qaadashada arrimaha saameeya mustaqbalkooda. Arrintan ayaa la sheegay inay gacan ka geysan karto horumar waara oo dalka ka hirgala.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhallinyarada Ayaan Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Maxamed Cali Siyaad. Labaduba waxay xoojiyeen muhiimadda iskaashiga iyo mideynta codka dhallinyarada.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo xiriir dhow oo u dhexeeya dowladda iyo dhallinyarada, si loo hubiyo in baahiyahooda iyo aragtidooda si buuxda loogu daro qorshayaasha horumarineed ee dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.