Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh Oo Sheegay In Xilkiisu Ku Eg Yahay May 2027

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda federaalka uu si rasmi ah ku eg yahay 15-ka May 2027, isaga oo xusay in arrintaasi waafaqsan tahay dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 4:17 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh Oo Sheegay In Xilkiisu Ku Eg Yahay May 2027
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda federaalka uu si rasmi ah ku eg yahay 15-ka May 2027, isaga oo xusay in arrintaasi waafaqsan tahay dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa madaxweynuhu ku sheegay in dastuurka cusub uu dhigayo in muddo xileedka dowladda iyo baarlamaanka uu noqdo shan sano, islamarkaana dowladda hadda jirta ay ku shaqeyn doonto nidaamkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isaga oo tilmaamay in dowladdu ay fulineyso ballanqaadyadii ay shacabka u samaysay, sida dhameystirka dastuurka, nidaamka xisbiyada badan iyo ka guurista doorashooyinka dadban.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyada dowlad dhiska, xiriirka caalamiga ah iyo dib u soo kabashada hay’adaha dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay ka mid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dib u habeynta bangiga dhexe.

Madaxweynaha ayaa dhaliilay siyaasiyiinta kasoo horjeeda nidaamka doorashada qof iyo codka, isaga oo sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay doonayaan in dalka lagu sii hayo nidaamkii hore ee 4.5 iyo doorashooyinka dadban.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay dhegeysato aragtiyada mucaaradka iyo siyaasiyiinta kale, balse uu ku adkeystay in dastuurka hadda la dhaqan geliyay uu yahay mid sharci ah oo dalka lagu maamulayo.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo isku mari la’ arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo muddo xileedka dowladda.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hore u sheegay in aysan sharci u aqoonsanayn sii joogitaanka dowladda hadda jirta, kadib markii aan heshiis laga gaarin shirarkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.