Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamud ayaa la sheegay inuu qorsheynayo mushaar kordhin loo sameeyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo noqon karta tii ugu weyneyd ee ciidamada loo sameeyo muddo ka badan lix sano.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in qorshahan uu dhaqan geli karo wixii ka dambeeya bisha June ee sanadkan, iyadoo mushaarka askarta dableyda ah la doonayo in laga dhigo $300 bishii, halka hadda ay qaataan mushaar ka hooseeya heerkaas.
Qorshahan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka ay waddo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta ciidamada, nidaamka diiwaangelinta askarta iyo xaqiijinta in mushaarka uu gaaro ciidanka saxda ah ee shaqada ku jira.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe sheegtay inay adkeyn doonto isla xisaabtanka hay’adaha amniga, si loo yareeyo musuq-maasuqa iyo askarta been abuurka ah ee ku jirta liisaska ciidamada.
Mushaar kordhintii ugu dambeysay ee weyn ayaa dhacday xilligii xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, markii sanadkii 2020 askarta mushaarkooda laga dhigay $200 bishii, kadib markii miisaaniyadda dowladda lagu daray dhaqaale dheeraad ah oo loogu talagalay ciidamada.
Sidoo kale sanadkii 2013, dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markaas kordhisay mushaarka ciidamada, iyadoo laga qaaday $100 loona dhigay $160 bishii, si loo taageero ciidamada ku jiray xaalado adag oo amni iyo nololeed.
Xildhibaanno iyo saraakiil amni ayaa muddooyinkii dambe ku baaqayay in kor loo qaado mushaarka ciidamada, iyagoo tilmaamayay in sicir-bararka iyo xaaladaha adag ee dalka ka jira ay saameyn ku yeesheen nolosha askarta iyo qoysaskooda.
Haddii qorshahan la hirgeliyo, waxaa la filayaa inuu sare u qaado niyadda ciidamada, isla markaana uu xoojiyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo badan oo dalka kamid ah.


















