Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

Urur-goboleedka (IGAD) ayaa soo dhaweeyay wada-hadalladii Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo socday intii u dhaxeysay 13 illaa 15 May 2026.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 17, 2026, 11:12 am EAT
Reading Time: 2 mins read
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Urur-goboleedka (IGAD) ayaa soo dhaweeyay wada-hadalladii Muqdisho ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo socday intii u dhaxeysay 13 illaa 15 May 2026.

War-saxaafadeed kasoo baxay xoghayaha guud ee IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socday natiijada wada-tashiyada, islamarkaana uu muhiimad gaar ah siinayo in la sii wado wada-hadallada siyaasadeed si xal looga gaaro khilaafaadka weli taagan.

IGAD ayaa sheegtay in wada-hadal joogto ah uu muhiim u yahay ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

“Dhammaan dhinacyada Soomaalida waa inay raadiyaan xalal xoojinaya midnimada qaranka, kalsoonida shacabka iyo xasilloonida muddada dheer,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay ururka.

Sidoo kale, urur-goboleedka IGAD ayaa markale xaqiijiyay taageerada uu u hayo dadaallada ay Soomaalidu hoggaaminayso ee lagu dhisayo dowlad loo dhan yahay, nabad waarta iyo mustaqbal deggan oo Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika ah.

Bayaankan ayaa kusoo aadaya kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wada-hadalladii dowladda federaalka iyo mucaaradka ee ka dhacay xerada Xalane, kuwaas oo ay garwadeen ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku khilaafsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo maamulka marxaladda kala guurka, iyadoo beesha caalamka ay ku baaqeyso in xal lagu gaaro wada-hadal iyo isu tanaasul siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

11 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.