• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabay wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay isbeddellada ka socda xukuumadda federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilkaasi u magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud, kadib markii uu tixraacay qodobka 120-aad ee Dastuurka Federaalka, isla markaana uu la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa beddelaya Daud Aweis Jama, oo ka mid ahaa wasiirradii ugu muddada dheeraa ee ka tirsanaa xukuumaddan, isla markaana muddo dheer hoggaaminayay wasaaradda warfaafinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay inuu muujiyo xilkasnimo, hufnaan iyo dadaal dheeraad ah si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla wasaaradda, gaar ahaan xoojinta warbaahinta dowladda iyo horumarinta dhaqanka iyo dalxiiska.

Cabdifataax Qaasim ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda federaalka, waxaana 21-kii May 2025 xilka looga qaaday wasiir ku xigeenkii wasaaradda gaashaandhigga, xilli aan si rasmi ah loo shaacin sababta xil ka qaadistaas.

Magacaabistan cusub ayaa imaneysa xilli dowladda federaalka ay waddo dib-u-habeyn iyo dardargelin lagu xoojinayo waxqabadka hay’adaha dowladda, iyadoo la filayo in wasiirka cusub uu si rasmi ah xilka ula wareego maalmaha soo socda.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.