• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Adan Barre Duale oo dalbaday dib u furista xadka Kenya iyo Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Adan Barre Duale oo dalbaday dib u furista xadka Kenya iyo Soomaaliya
Share

Wararka24: Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Kenya, Aden Barre Ducale, ayaa mar kale ku baaqay in dib loo furo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in xirnaanshaha muddada dheer uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha iyo dakhliga dowladda.

Duale oo ka hadlay munaasabad ka dhacday degmada Garissa ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga uu weli socdo, inkastoo xadka si rasmi ah u xiran yahay. Wuxuu xusay in xaaladdan ay ka dhigan tahay in dowladda ay lumisay fursado dhaqaale iyo nidaam sharciyeed oo lagu maamulo isu-socodka.

Wasiirka ayaa sheegay in dib u furista xadka ay dowladda u abuuri karto dakhli dheeraad ah, halka hay’adaha socdaalka ay heli lahaayeen awood dheeraad ah oo ay ku xaqiijiyaan dadka ka gudbaya xadka. Wuxuu tilmaamay in nidaamka hadda jira aanu si buuxda u shaqeynayn.

Sidoo kale, Duale ayaa sheegay inuu arrintan kala hadlay Madaxweynaha Kenya William Ruto, isagoo muujiyay rajo ah in dhawaan dib loo furi doono goobaha rasmiga ah ee laga gudbo xadka labada dal.

Wuxuu ku dooday in dib u furista xadka ay dib u soo noolayn karto dhaqaalaha gobollada Waqooyi Bari ee Kenya, gaar ahaan ganacsiga xuduudaha, isla markaana ay xoojin karto xiriirka dhaqaale ee labada dhinac.

Horaantii sanadkan, Madaxweyne Ruto ayaa hore u sheegay in dowladda Kenya ay ka shaqeyneyso qorshe lagu furayo xadka, si loo kobciyo ganacsiga loona fududeeyo isu-socodka bulshada labada dal.

Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xirnaa muddo ka badan toban sano sababo la xiriira arrimo amni, hase yeeshee baaqyada dib loogu furayo ayaa sii kordhaya, iyadoo la doonayo in dib loo soo celiyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee hore uga jiray xadka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.