Wararka24: Ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan, iyagoo ku tilmaamay duulaan ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.
Bayaan ay soo saartay kooxda Sabtidii ayaa lagu sheegay in Xamaas ay ugu baaqayso dalalka gobolka inay iska kaashadaan dadaallada lagu joojinayo colaadda sii fidaysa ee Bariga Dhexe sida ay so warisay wakalada jerusalem post
Xamaas ayaa sidoo kale ugu baaqday xukuumadda Tehran inay muujiso is-xakameyn militari, gaar ahaan in aysan bartilmaameedsan dalalka deriska ah ee Carabta. Kooxdu waxay sheegtay in wadamada gobolka ay wadajir uga shaqeeyaan dejinta xiisadda iyo joojinta dagaalka.
Dhanka kale, Xamaas ayaa hambalyo u dirtay hoggaamiyaha cusub ee sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei, kadib magacaabistiisa xilkaasi. Magacaabista ayaa timid kadib geeridii hoggaamiyihii hore Ayatollah Ali Khamenei oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Tehran.
Guddoomiyaha Golaha Hoggaaminta ee Xamaas Maxamed Darwiish ayaa sheegay inay ku kalsoon yihiin hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, isla markaana ay rajeynayaan in Tehran ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Falastiin.
Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iiraan oo qarxay dabayaaqadii bishii Febraayo ayaa si weyn u kordhiyay xiisadda Bariga Dhexe, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in colaadda ay isku beddesho dagaal goboleed ballaaran.


















