• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan kadib dagaallo iyo xiisado amni

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan kadib dagaallo iyo xiisado amni
Share

Wararka24: Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan, kadib xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay qaybo kamid ah caasimadda.

Inkasta oo xaaladdu ay deggen tahay, haddana wararka ayaa sheegaya in aan weli la kala qaadin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ciidamada ilaalada Sheekh Shariif ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin degmada Cabdicasiis.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo isugu jira waanwaan iyo wada-hadallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka. Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka shaqeynaya sidii loo gaari lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Saameynta xiisadda ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada, iyadoo maanta ay yaraadeen dadkii booqan jiray Xeebta Liido, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan Muqdisho maalmaha fasaxa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi ka socda Turkiga uu dalka yimid si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed, iyadoo beesha caalamku ku baaqday in dhinacyadu ku xalliyaan murankooda wada-hadal iyo is-afgarad.

Khilaafka siyaasadeed ayaa salka ku haya arrimo la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilalka hay’adaha federaalka. Wada-hadallo hore oo dhex maray Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan bartamihii bishii May.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ballaaran, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo dimuqraadiyadda dalka.

Dhanka kale, waxaa weli taagan walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysto, iyadoo Soomaaliya ay wajahayso caqabado amni oo ay kamid yihiin weerarrada Al-Shabaab iyo xaalado bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Beesha caalamka, oo ay kamid yihiin Qaramada midobay, IGAD, Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa sii wada baaqyada ku aaddan in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal, si looga hortago in xaaladdu gaarto heerkii xiisadda siyaasadeed ee sanadkii 2021.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.