Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan kadib dagaallo iyo xiisado amni

Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan, kadib xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay qaybo kamid ah caasimadda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 5, 2026, 11:34 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Xaaladda magaalada Muqdisho oo saaka deggan kadib dagaallo iyo xiisado amni
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xaaladda guud ee magaalada Muqdisho ayaa maanta deggan, kadib xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo maalmihii lasoo dhaafay laga dareemayay qaybo kamid ah caasimadda.

Inkasta oo xaaladdu ay deggen tahay, haddana wararka ayaa sheegaya in aan weli la kala qaadin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ilaalada u ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ciidamada ilaalada Sheekh Shariif ayaa la sheegay inay weli ku sugan yihiin degmada Cabdicasiis.

Dhinaca kale, waxaa socda dadaallo isugu jira waanwaan iyo wada-hadallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka. Odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka shaqeynaya sidii loo gaari lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Saameynta xiisadda ayaa sidoo kale laga dareemay magaalada, iyadoo maanta ay yaraadeen dadkii booqan jiray Xeebta Liido, oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan Muqdisho maalmaha fasaxa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi ka socda Turkiga uu dalka yimid si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed, iyadoo beesha caalamku ku baaqday in dhinacyadu ku xalliyaan murankooda wada-hadal iyo is-afgarad.

Khilaafka siyaasadeed ayaa salka ku haya arrimo la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo muddada xilalka hay’adaha federaalka. Wada-hadallo hore oo dhex maray Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan bartamihii bishii May.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in arrimaha doorashooyinka iyo maamulka dalka ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ballaaran, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, oo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo dimuqraadiyadda dalka.

Dhanka kale, waxaa weli taagan walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysto, iyadoo Soomaaliya ay wajahayso caqabado amni oo ay kamid yihiin weerarrada Al-Shabaab iyo xaalado bini’aadantinimo oo soo noqnoqda.

Beesha caalamka, oo ay kamid yihiin Qaramada midobay, IGAD, Mareykanka iyo Ingiriiska, ayaa sii wada baaqyada ku aaddan in khilaafka lagu xalliyo wada-hadal, si looga hortago in xaaladdu gaarto heerkii xiisadda siyaasadeed ee sanadkii 2021.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 hour ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

4 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

5 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

5 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

5 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

5 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.