Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dowladda iyo mucaaradka inay is-xakameyn

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo mucaaradka inay muujiyaan is-xakameyn, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 4, 2026, 2:03 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Cumar Cabdirashiid oo ugu baaqay dowladda iyo mucaaradka inay is-xakameyn
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo mucaaradka inay muujiyaan is-xakameyn, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Soomaaliya ay hore u soo martay xaalado siyaasadeed oo la mid ah kuwa hadda taagan, isagoo xusay in waayo-aragnimada laga bartay marxaladihii hore ay muujisay in wada-hadalka iyo is-afgaradku yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka.

Wuxuu tilmaamay in dalka uu weli wajahayo khatarta kooxda Al-Shabaab, sidaas darteedna aysan jirin fursad loo oggolaan karo khilaaf cusub oo wax u dhimaya amniga iyo dadaallada lagu sugayo xasilloonida.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale ka digay in sii kordhinta xiisadaha siyaasadeed ay keeni karto kala qaybsanaan dheeraad ah, gaar ahaan hay’adaha amniga, taas oo saameyn ku yeelan karta awoodda dowladda ee la tacaalidda caqabadaha jira.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in mudaharaadyada iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee la qorsheeyay ay u dhacaan si nabad ah, isagoo xusay in dowladda ay saaran tahay masuuliyadda ugu weyn ee ilaalinta amniga shacabka iyo ka hortagga isku dhacyo hor leh.

Cumar Cabdirashiid ayaa ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si xal waara looga gaaro murannada la xiriira doorashooyinka iyo arrimaha siyaasadeed ee taagan.

Baaqan ayaa kusoo aadaya xilli ay socdaan dadaallo gudaha iyo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadaha ka jira magaalada Muqdisho, iyadoo dhinacyo kala duwan ay ku baaqayaan in mudnaanta la siiyo wada-hadal iyo xal nabadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 hours ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

3 hours ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

5 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

6 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

6 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

6 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

6 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

6 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.