Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Ugaaska Beesha Murusade oo dowladda ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay Muqdisho

Ugaaska Beesha Murusade, Cabdirisaaq Faracadde, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 4, 2026, 11:45 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Ugaaska Beesha Murusade oo dowladda ku eedeeyey dagaalkii ka dhacay Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ugaaska Beesha Murusade, Cabdirisaaq Faracadde, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo ciidamo ilaalo u ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Ugaaska oo ku sugnaa guriga Xasan Cali Khayre xilligii uu dhacay iska horimaadka ayaa sheegay in dagaalku bilowday xilli ay socdeen dadaallo lagu dejinayay xiisadda taagneyd. Wuxuu tilmaamay in kulamo iyo waanwaan lagu waday sidii loo xallin lahaa khilaafaadka jira, balse xaaladdu ay isu beddeshay gacan ka hadal.

“Saacadu marka ay ahayd shantii galabnimo annagoo nabadda ka shaqaynayno ayay nagu bilaabatay, welina dagaalku waa nagu socdaa,” ayuu yiri Ugaas Cabdirisaaq Faracadde, isaga oo sheegay in weerarka uu ka yimid dhinaca ciidamada dowladda.

Sida uu sheegay Ugaasku, dagaalka ayaa socday saacado badan, wuxuuna sababay cabsi iyo walaac soo wajahay dadka ku nool xaafadaha ay rabshaduhu ka dhaceen. Wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaadda, isla markaana dib loogu laabto wada-hadal iyo xal nabadeed.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo si toos ah uga jawaabaya eedeymaha uu jeediyay Ugaaska. Dowladda ayaa horay u sheegtay inay ka shaqeynayso sugidda amniga caasimadda iyo ilaalinta kala dambeynta.

Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli Muqdisho ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo sii kordhaya, kuwaas oo la xiriira khilaafyo u dhexeeya dowladda iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Dhinacyada kala duwan ayaa weli is-weydaarsanaya eedeymo ku saabsan cidda mas’uulka ka ah rabshadaha dhacay, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xaaladda amni ee magaalada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

11 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.