Wararka24: 4-02-2026 Dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil ayaa galay marxalad cusub, iyadoo warar ka imanaya Washington ay muujinayaan in dib-u-qiimeyn lagu sameynayo qorshihii hore ee lagu doonayay in si degdeg ah lagu rido nidaamka Tehraan.
Markii uu dagaalku bilowday, ujeeddada ugu weyn waxay ahayd in cadaadis milatari iyo duqeymo xooggan ay horseedaan burbur degdeg ah oo ku yimaada nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Si kastaba, xaaladda dhulka ka jirta ayaa ka duwan sidii la filayay, iyadoo aan la arkin kacdoon shacab oo gudaha ka dhaca oo lagu rajeynayay inuu daciifiyo xukuumadda Tehraan.
Dagaalka oo galay maalintiisii afaraad ayaa si weyn ugu fiday gobolka. Halkii la filayay in nidaamka Iiraan uu si degdeg ah u burburo, Tehraan ayaa qaaday istaraatiijiyad difaac iyo adkeysi ah, iyadoo weerarro ku beegsatay goobo lala xiriirinayo Mareykanka iyo xulafadiisa.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa qiray in dagaalku uusan noqon doonin mid gaaban. Janaraal Dan Caine, oo ka tirsan hoggaanka militariga Mareykanka, ayaa sheegay in la filayo khasaare dheeraad ah.
Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in dagaalkan uusan noqon doonin mid aan dhammaad lahayn, balse uu noqon doono mid leh ujeeddooyin cad.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah yoolalka muhiimka ah ee howlgalka uu yahay in la wiiqo awoodda gantaallada ballistic-ga ee Iiraan. Wuxuu xusay in Mareykanku haysto bartilmaameedyo dheeraad ah oo uu qaadi doono tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo gaaro yoolalkaas.
Dhanka kale, Iiraan ayaa muujisay inay diyaar u tahay dagaal dheer. Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga dalkaas ayaa sheegay in kaydka iyo qorsheyaasha ay hayaan ay u oggolaanayaan inay dagaalka sii wadaan muddo bilo ah, inkastoo ay qirteen inay lumiyeen hoggaamiyahoodii sare.
Weerarro ay Iiraan ku beegsatay saldhigyo militari oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe ayaa sare u qaaday walaaca dalalka Khaliijka. Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa la sheegay inay ka walwalsan yihiin in kaydkooda difaaca hawada uu si dhaqso ah u yaraado, taas oo ku qasabtay inay raadiyaan taageero dheeraad ah.
Dhanka kale, suuqyada tamarta ayaa sidoo kale saameyn weyn ka dareemaya xiisadda. Digniinaha ku saabsan ammaanka maraakiibta maraya Marinka Hormuz ayaa sare u qaaday qiimaha shidaalka iyo gaaska, iyadoo dalal qaar ay hakad geliyeen qaar ka mid ah xarumahooda waaweyn ee tamarta.
Xaaladda dagaalka ayaa weli ah mid aan la saadaalin karin, iyadoo khubarada arrimaha caalamiga ah ay sheegayaan in natiijada ugu dambeysa ay ku xirnaan doonto awoodda labada dhinac ay u leeyihiin inay u adkeystaan khasaaraha milatari, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dagaalkan sii ballaaranaya.


















