Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifataax Mukhtaar, ayaa shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta si adag ugu jawaabay hadallo kasoo yeeray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maalintii hore weerar afka ah ku qaaday madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa sheegay in dalka laga xukumo Villa Soomaaliya, isla markaana madaxda Jubbaland iyo Puntland ay ku qasban yihiin inay tagaan Madaxtooyada si ay ula kulmaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Jawaabtiisa, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni aan lagu qasbi karin inay tagaan Villa Soomaaliya, isla markaana joogitaankooda Muqdisho uu la xiriiray “badbaadinta dowladnimada dalka” iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga in aanu ka hadlin mas’uuliyaddiisa shaqo, isagoo sheegay in ay habboonayd in uu diiradda saaro guulaha ay ciidamada ka gaareen howlgallada amni, gaar ahaan burburinta warshad qaraxyo oo Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Badda Madow.
Hadalladan is-dhaafsiga ah ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeysa mucaaradka iyo hoggaanka dalka, taasoo salka ku haysa muranka la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.


















